 |
|
War Saxaafadeed Wednesday, 19-Nov 2008 | Garowe,Puntland: waxaa lagu qabtay War Saxaafadeed Madaxtooyada DGPL waxaana ka soo qayb galay Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Maxamuud waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka Cadaalada C/risaaq Yaasiin Cabdulle (Geesood) Wasiir Dowlaha Aminiga DGPL Jaamac Xirsi Faarax, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Xasan Maxamed Jibriil iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xasan Daahir Maxamuud (Carab War saxaafadeedkaas oo ku saabsanaa Guddiga sixida iyo khilaafaadka sida uu qoraayo Dastuurka DGPL qodobka 54aad faqradiisa 19aad kaas oo loogu sheegaayo in guddigaasi uu yahay ansax, Iyadoo Dowladdu Tixraacday
Lifaaqa 2 aad ee Dastuurka DGPL ee Mudada ku meel gaarka ah
Waxay tixraacday Wareegtadii hore ee lagu soo saaray guddigii Ansixinta Khilaafaadka Baarlamaanka ee uu magacaabay madaxweynihii hore ee Cabdulaahi Yuusuf Axmed
Wareegtaddii Doorashadii 2005 ee lagu Magacaabay Guddigii Ansixinta Golaha Wakiilada DGPL ee lagu doortay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Xeer Madaxweyne kuna saabsan Hirgalinta Doorashooyinka iyo Guddiga Ansixinta iyo Xalinta khilaafaadka Xubnaha Golaha Wakiilaha cusub ee DGPL ee soo baxday 09/11/2008 lanbarkeeduna yahay 112.
Sidoo kale waxaa la tixraacay warqadihii ay soo gudbiyeen guddoomiyayaasha Gobolada ee ku saabsanaa Xubnaha uga qayb galaya guddiga ansixinta Baarlamaanka ee ka imaanaya 7 Gobol ee Puntland.
Xasan Daahir Maxamuud
Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland
|
 |
Other Press release |
|
|