 |
|
Madaxweynaha DGPL ayaa si rasmi ah u dhagax dhigey Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso Wednesday, 22-Nov 2006 | Dhagaxdhigii maanta (22.11.2006) ayaa madaxweynuhu waxa uu ka jeediyey khudbad taariikhi ah waana tan:
Xubnaha Golayaasha dowladda,Mas?uuliinta laamaha kala duwan ee maamulka Puntland,Isimada, xubnaha bulshada Rayadka ah, Wakiilada shirkadaha ka hawlgelaya dhismaha garoonka caalamiga ah ee Boosaaso, dhammaantiin waxaan idiin soo gudbinayaa salaan diirran.
Waxaan aad ugu faraxsan nahay inaan maanta dhagax dhigayno Runway ee garoonka Boosaaso.
Sida aad la wada socotaan dowladda waxaa u degsan barnaamij horumarineed oo ku saabsan arrimaha bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Waxay dowladdu fiiro gaar ah iyo tixgelinba siinaysaa kaabayaasha ay ka midka yihiin garoomada dayaaradaha, jidadka iyo dekeduhu kuwaas oo sida la ogsoon yahay ah furaha iyo saldhigga horumarinta
Waxaa dadaal weyn loo galay sidii looga dhabayn lahaa fulinta garoonka caalamiga ah ee Boosaaso.
Daarta garoonka (Terminal Building) dowladda ayaa toos dhismihiisa u maalgelisey, haatanna dhammaad ayuu ku dhow yahay, iyadoo maantana aanu goob-joog u nahay dhagax dhigga marinnada dayaaradaha.oo sidoo kale ay dowladda Puntland maalgelineyso.
Waxaa qorshaysan in la ballaariyo dekedda Boosaaso oo dowr weyn ku leh horumarinta dhaqaalaha iyo ballaarinta awoodda ganacsi ee
Puntland,iyadoo isla markaana lagu tala gashan yahay in maamulka dekedda la casriyeeyo.
Dowladdu waxay ku hawl jirtaa sidii loo dhisi lahaa ilaa iyo 7 dekedood oo yar yar kuna taxan xeebaha Puntland.
Maamulku,isagoo fulinaya siyaasaddda horumarinta dalka waxaa u qorshaysan barnaamij la xiriira jidadka,si loo helo shabakad jidad (Road Network), taasoo wax weyn ka taraysa horumarinta dhinacyada kala duwan ee nolosha dadweynaha Puntland.
Mashaariicda horumarinta kaabayaashu ka sokow horumarinta dhaqaale iyo bulsho,waxay dhanka kalena dowr ka qaadanayaan abuuritaanka fursado shaqo,taasoo daawo u noqonaysa la dagaallanka saboolnimada iyo shaqo-la?aanta.
Mashruuca maanta la dhagax dhigayaa qiimo weyn ayuu ugu fadhiyaa bulshada Reer Puntland,wuxuu ka marag kacayaa in wixii lagu dadaalo,niyadna lagu doono la xaqiijin karo.
Waxaan halka magaca dowladda iyo shacabka Puntland mahad uga jeedinayaa shirkadda Cormio Engineering ee fulineysa mashruuca gegada Boosaaso.
Waxaan halka mar kale ka caddaynayaa in dowladdu awooddeeda saari doonto barnaamijyada horumarinta.
Maxamuud Muuse Xirsi
Madaxweynaha dowladda Puntland
22.11.2006

|
 |
Other Press release |
|
|