 |
|
Baaq ka soo baxay xafiis Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Sunday, 12-Nov 2006 | Ujeedo:Baaq: Golaha wakiilada DGPL wuxuu fadhigiisii 4/11/2006ilaa 5/11/2006 si qoto dheer uga dooday una lafa guray xaaladaha nabadgelyo iyo siyaasadda ee ka soo cusboonaaday arrimaha soomaaliya iyo gaar ahaa puntland,wuxuuna goluhu ka soo saaray baaq ku aadan arrintaasi oo ah sidan:
Waxaan ku baaqaynaa in ay puntland taageersan tahay siyaasadda DFKM ee soomaaliya kuna shaqaynayso hadafka federaalka.
Waxaan dadweynaha puntland ugu baaqaynaa inay nabadgelyada adkeeyaan,cid kasta oo wax u dhimaysa nabadgelyada iyo xasiloonida puntlandna meel uga soo wada jeestaan.
Waxaan aad uga soo horjeednaa,cambaarayna u soo jeedinayaa xasuuqa iyo qoorgooyada ay maxkamaduhu gobollada qaarkood ay ka wadaan.
Waxaan ku baaqaynaa in maxaakiimtu ku ekaadaan goobahoodii hore dibna uga noqdaan meelaha ay isku ballaarinayeen si ay u sahlanaato xal ka gaarida arrimaha soomaaliya.
Waxaan golaha xukuumadda DGPL u soo jeedinaynaa in la sugo lana adkeeyo amniga iyo difaaca dalka, foojignaan adagna la sameeyo,il dheena loo yeesho,gacan adagna lagu qabto cid alle iyo ciddii ka hor timaadda siyaasadda iyo mabaadi?da Puntland.
Waxaan kale oo ku baaqaynaa in golaha xukuumaddu soo diyaariso xeer lagu dhaqayo cid alle iyo cid kasta oo isku dayda inay khalkhal geliso nabadgelyada iyo jiritaanka puntland,kuna shaqaynaysa siyaasaddo urruro kale leeyhiin,una soo gudbiyaan golaha wakiiladda si loo ansixiyo loona dhaqan geliyo
Waxaana ku saxeexnaa baaqan guddoomiyahay golaha wakiiladda.
Axmed Cali Xaashi
|
 |
Other Press release |
|
|