 |
|
Madaxweynaha oo dhagax dhigey marinada Diyaaradaha ee Garoonka Caalamiga ah Bosaso
Thursday, 23-Nov 2006 |
Mudane Maxamuud Muuse Xirsi Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland oo uu ku weheliyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Mr. Cabdullahi Cali Xirsi, |

waxa uu si rasmi ah u dhagax dhigay asaaska gegida ay ku seedagaan diyaarduhu kana duulaan (Run-way), ee Garoonka Caalamiga ah ee Bosaso,sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa koox injineero ahaa oo ka socdey (Cormio Engineering), iyo maamulka Gobolka.
Dhismaha cusub ee laamiga ay diyaaraduhu ka dulaan ayaa qaadan doonta muddo dhan 12 bilood, taas oo ay ku bixi doonto aduun dhan $9,000,000 USD, (Sagaal Milyan oo Doollar) waxaana bixinaaya Xukuumadda Puntland .
Tan ayaa ahaa qaybtii u danbeysey ee dhismaha Garoonka caalamiga ah ee Bosaso waxaana horey u dhamadey Qaybta terminalka oo ay iminka u dhiman tahay qalabayntii.
Dhismahan cusub ayaa ah mid qaadi kara ama ay ku soo degi karaan dhamaan noocyada kala duwan e Diyaaradaha kuwa qaada xamuulka culus, aya si haboon ugu soo degi kara tan oo sahlaysa dhinaca ganacsiga in meelo fog fog laga soo qaadan karo alaabo ama ganacsi loo doonan karo wadamo fog fog.
Khudbadii madaxweyne Mudane Maxamud Musse Xirsi Halka ka daalaco (PDF Format) | ama halkan ka akhri (HTML Version)
Sawiro Kale oo Badan:

















|
 |
| |
|
|