 |
|
Shirkii Nabadda Burtinle oo lasoo gabagbeeyey Galabta, iyo Madaxweynaha puntland oo ugaqaybqaatay Khadka Teleefoonka.
Wednesday, 09-May 2007 |
Kulan maalmihii ina dhaafay oo dhan ka soconayay dugsiga sare ee degmada Buurtinle ayaa maanta si rasmi ah u soo gabo gabobay ,ayadoo laga soo saaray qodobbo dhowr ah,shirkaan ayaa ahaa mid lagu dhex dhexaadinayay laba beel oo reer Puntland ah oo dagaallo ku dhex mareen deegaanka Cagaare. |

Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa madax ka socotay labada golle ee dawlad goboleedka Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxwayne kuxigeenka Mudane. Xasan Daahir Afqurac oo ay weheliyeen Guddomiye kuxigeenka Barlamaanka Mudane salaad xareed, Wasiirka maaliyadda Dr Maxamed cali Yuusuf[gaagaab], Wasiirka Arrimaha gudaha Mudane Axmed cabdi xaabsade, Wasiirka warfaafinata Mudane Cabdiraman maxa,ed, Wasiikar cadaalada Mudane Cabdirisaaq Yaasiin cabdulle, Wasiir kuxigeenka D/hoose axmed aden carab, Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada, agaasimayaal iyo madax katirasan labada golle ee dowlada puntland, Isimadii ku howlanaa shirka nabadda ee burtinle, Culama?udiin, Wax garad iyo Ururda bulshada.

Madxweyne kuxigeenka oo kahadlay kulan kaas ayaa sheegey in loo baahanyahay in beelaha puntland ay ogaadaan in nabadda kajirtaa ay waxweyn u tahay soomaali oo dhan islamarkaasna ay taageerayaan nabadda maanta lagaaray,
Madaxwaynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) ayaa khadka taleefonka uga qayb qaatay xilli uu kusugan yahay magaalada Dubai, Madaxwaynaha ayaa aad ugu ammaanay Isimada iyo maamulka Puntland sida ay ugu guntadeen xallinta mashaakilka Cagaare. wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta la dhammeeyo khilaafkii beelaha daga Cagaare oo muddo soo jiitamayay, wuxuu kaloo sheegay in heshiiskan wax wayn uu ka tarayo nabadda iyo sumcadda Puntland.
Wuxuu xusay madaxwaynuhu in intii uu kusugnaa dalka Imaaraadka Carabta ay beesha caalamku uga mahad celiyeen nabadda iyo midnimada ka jirta dawlad goboleedka Puntland.ayana ku guulaysteen arrimo muhiim ah oo ay kamid tahay iibka xoolaha nool ee Puntland,
Madaxwaynahu wuxuu ku nuux nuuxsaday in madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf ay isla soo qaadeen xaaladda nabad galyada iyo sida loogu baahan yahay in wax walba laga hor mariyo nabadda, khilaaf kasta oo jiraan lagu xaliyo wadahadal.
Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa halkaasi hadal kasoo jeediyay , wuxuu ku duceeyay in beelaha heshiiska gaaray uu ilaahay ku duwo wadada heshiiska ah , isla markaana ay nabad ku wada noolaadaan mustaqbalka, Islaan Ciise wuxu ammaanay beelaha sidii ay odayaashoodu u Hogaanasameen Go'aanka guddiga dhex dhexaadinta iyo Isimada Puntland ee shirka ka dhiibtay talooyinka kala duwanaa.

Qodobbada shirkan laga soo saaray waxaa kamid ah-
1. In la jabiyo barkada daladka iyo C/kariim Xaaaji Abdi.
2. In ladaayo barkadaha Ilma Cabdi Xaabsade.
3. Dhulka udhaxeeya deegaanada waa weyn ee hada Jira waxaa ka mamnuuc ah deegaameynta iyo xaalufinta oo ay ku jiraan kaamamka iyo bacaha iyo waraha IWM.
4. God dhurwaa iyo Gol bal balo wax baraago ah laguma kor dhin karo.
5. In la bixiyo mag dhowga 8 qof oo ku dhimatay dagaalladii Cagare oo qofkiiba laga bixin doono 120 halaad, $1000 oo tacsi ah iyo 5 malyan oo loogu magac daray duug ah gabar godob tir ah iyo Qoryihii Dadkii lalaayey oo laceliyo,kuwaas oo islagalabataba lagul akalwareegey goobtii shirku kusooxirmay waxaa galabat sidoo kale lakala qaatay lacagta duugata,tan dhaawaca,iyo Duugta,
6. Ciddii go'aankan jabisa waxay bixinaysaa lacag ganaax ah oo dhan 100 malyan oo shilin , waxaana gacanta lagu soo dhigayaa ciddii ku xad gudubtay heshiiskan.
Qodobadan Heshiiskan waxaa ku saxiixnaa Gudiga dhexdhaxaadin Shirweynaha deegaanka Cagaare.waxana qoraal saxiixan kulifaaqay Dhamaan isimadii kaqaybgalay shirka burtinle kuwaas oo aka ahaa,
1. Islaan ciise islan maxamed
2. Islaan Bashiir islan Cabdulle
3. Ugaas c/laahi ciise nuur
4. Ugaas Cumar geele
5. Garaad saleebaan buraale
6. Garaad C/laahi soofe
8. Garad faarax
9. Garaad Mashqad
Waxana gabagadii Ducooyin iyo waano kasoojeedshay Islaan Ciise islaan maxamed, Islaan Bashiir islaan cabdulle, Ugaas cumar geele iyo Garaad c/laahi soofe oo dhamaantood kuduceeyey Nabadda inla ilaasho colaadana lagafogaado,
( Fadlan La Socda Sawirada Dhakhso..)
|
|